Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka QATAR

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan Bin Xamze Haashim.

Danjire Xasan Bin Xamze ayaa waxaa uu Guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale ooy ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, in Dowladda Qadar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha ba’an ee haatan ka jira dalka, iyo sidoo kale in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaalya Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa shalay kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan, iyagoo ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan socda.

Exit mobile version