HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Jawaab ka bixiyey Eedeyntii Midowga Musharaxiinta

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ayaa Jawaab ka bixiyay Eedeyntii ay dhawaan u jeediyeen Midowga Musharaxiinta ee aheyd in Musharaxiin laga hor istaagay in dacwad laga qabto…

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo gaareen labo dacwo oo la xariirta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, iyadoo been abuur ku tilmaaamay in Guddiga uu diiday inuu qabto Dacwad.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaana ka dalbaday Golaha Midowga Musharaxiinta in ay keenaan cadeemo muujinaya in guddiga is hortaga ku sameeyay in uu qabto dacwado Musharaxiin iyo dad kale.

Ugu dambeyn Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ayaa balan qaaday inay Golaha Midowga Musharaxiinta iyo daneeyaasha doorashada ka socota dalka ay si daahfurnaan leh u hor keeni doonaan dacwooyinkii uu Guddiga qabtay iyo sida ay go’aanka uga gaareen.

Exit mobile version