Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Guddoomiye Cusub doortay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada heer Federeaal ayaa goordhaw doortay Guddomiyaha cusub ee Guddigaasi, kadib markii dhawaan shaqada laga joojiyay Guddoomiyihii Guddigaasi oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo cadaalad daro.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tanaasulay Musharax Mustaf Macalin.

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafadaka doorashada ayaa loo doortay Maxamed Cawil Warsame ,kadib markii uu doorashada ka tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay ee Mustaf Macalin Cali.

Maalmo kahor ayaa waxaa Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka Aadan Cadde ka dhacday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal, waxaana xilkaas loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo bedelay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Xasan Cirro.

Exit mobile version