Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Khilaafaadka iyo UK oo ka shiray caqabadaha heysta Doorashada dalka

Danjijaha Midowga Boqortooyada Ingiriiska Marwo Kate Foster ayaa Xafiiska Safaarada Ingiriiska ee Muqdisho ayaa kulan kula qaadatay Guddoomiye  ku-xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Maxamed Ibraahin iyo Axmed Yuusuf oo ah xubin ka mid ah Guddiga.

Kulanka ayaa lagu la faguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada, Qodobada aadka loogu dheeraaday ayaa ahaa sida habracaayda Cabashooyinka Doorashada loogu mili lahaa meertada doorashada.

Shaacinta Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee xulaya ergada marka la joogo meertada koowaad Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa hoosta laga xariiqay inay waxtar u tahay hufnaanta Doorashada. Sidoo kale, Xaqiijinta Ergada iyo in Cabashooyinka la siiyo muddo lagu soo gudbisan karo dacwadaha ayaa loo garawsaday inay muhiim u tahay Daahfurnaanta Doorashada.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay hanaanka daahfurnaanta leh ee Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland iyo siday u shaaciyeen odayaasha xulaya ergada iyo tababarkooda. U

Gudoomiye Ku-xigeenka ayaa gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu ka siday Gudoomiyaha GXKHDD waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Nabdoon.

Exit mobile version