HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Khilaafaadka Doorashada oo Maanta soo saaray War cusub oo ku saabsan…

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dorashada Dadban ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay kaga hadleen qoondada Haweenka ku leeyihiin labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo sidii loo ilaalin lahaa.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya ee la soo gabagabeeyey 13-kii Nofember 2021,  lagu guuleystay in qoondada haweenku ay noqoto boqolkiiba lix iyo labaatan (26%,) halka Baarlamaankii 10aad ee hore ay ahayd boqolkiiba afar iyo labaatan (24%).

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ayaa sidoo kale sheegay in laga doonayo Aqalka Hoose in haweenka ka helaan qoondada ay leeyihiin, waxa uuna ka digay in la musuq maasuqo ama awood loo adeegsado qoondada haweenka.

Exit mobile version