Site icon HORUFADHI MEDIA |

AKHRISO: Guddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyay Doorashada 16 Kursi

Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyey qabashada doorashada illaa 16 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu sheegay in doorashada kuraasta lasoo saaray ay maalmaha soo socda ka dhici doonto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona farriin Wargelin ah u diray Odayaasha dhaqanka.

Guddiga ayaa Madax dhaqameedka kuraasta doorashadooda la qabanayo faray inay Xarunta Guddiga doorashada tegaan maalinta berri oo ku beegan 1-da bisha December 2021, isla markaana halkaas ku xaroodan, si tababar loo siiyo.

Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa hore Muqdisho ugu qabtay doorashada Xildhibaano cusub oo kamid noqonaya Golaha Shacabka, kana soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Exit mobile version