HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo si rasmi ah loogu dhawaaqay (Magacyada)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Caawa shaaciyay Liiska rasmiga ah ee Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu bandhigay magacyada 10-ka xubnood ee Guddiga doorashada Madaxweynaha, kuwaasi oo dhammaantood ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddigaan oo 8 kamid ah Maanta magacyadooda laga akhriyey Golaha Shacabka ayaa waxaa harsanaa saddex xubin oo Caawa uu soo dhammeystiray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Exit mobile version