Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo la kulmay Taliyeyaasha Booliska  iyo Milateriga

Guddiga isku dhafka ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyeyasha Ciidamada Booliska iyo Milatariga dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Kulankan dhaxmaray Guddiga doorashada iyo Taliyeyasha ciidamada ayaa diirada lagu saaray xaqiijinta ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso iyo sidoo kale amniga guud ee Caasimadda inta doorashada socoto.

Guddiga doorashada ayaana Taliyeyasha Ciidamada sidoo kale kala hadlay sidii ciidamada ammaanka ee waddooyinka jooga socodka ugu fududeyn lahaayeen Xildhibaanada labada Aqal ee kusii jeeda Teendhada Afisiyooni.

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho ka qabsoonto 15-ka bishaan May, isla markaana waxaa socda olole doorasho oo ay wadaan Musharaxiinta Madaxweynaha…

Exit mobile version