HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay Jadwalka Doorashada saddex kursi

Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad Goboleed Galmudug ayaa shaaciyay habraaca doorashada saddex kamid ah kuraasta xildhibaanada Golaha shacabka ee lagu dooranayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Doorashada kuraastan oo Guddiga horey u shaaciyay ayaa dib u dhac ku yimid ,kaddib markii khilaaf hareeyeen doorashada kuraasta qaar , hasa ahaateen guddiga ayaa xalay soo saaray habraaca doorashada saddexdan kursi.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay in doorashada kuraastan la qabanayo 13-ka Maarso oo ku beegan beri oo Axad ah, halka Musharaxiinta kuraastan maanta qaadanayaan shahaadada Musharaxnimo.

Maamulka Galmudug ayaa si dardar leh ku wada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Galmudug ku harsan doorashada kuraas yar.

Exit mobile version