Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Doorashad oo ka hadlay halka ay mareyso Doorashada Golaha Shacabka

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Amb Axmed Safiina ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hanaanka doorashada dalka, isagoo xusay in ay hadda meel wanaagsan marayso doorashada Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay inay jiraan caqabado soo wajahay hore u socodka doorashada Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Amb Safiina ayaa xusay in hore doorashadu uga socotay Kuraasta Gobolada waqooyi oo kuraastooda Muqdisho lagu qabanayey, sidoo kale maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug, ayaa iyaguna qabtay dhankooda, halka Jubbaland ay shaacisay qabashada 14-ka kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay in Guddiga doorashada Beelaha Banaadirigu shaaciyeen qabashada 5 kursi oo lagu dooran doono maalmaha innagu soo aadan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maamulada Puntland iyo Hirshabeelle ayaan weli soo saarin Liiska kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka, iyagoona laga sugayo in maalamaha soo socda ay ku dhawaaqaan kuraasta, waxaana xusid mudan in muran badan ay dhaliyeen kuraas doorashadooda la qabtay.

Exit mobile version