Site icon HORUFADHI MEDIA |

Golaha Aqalka Sare oo Maanta kulan yeeshay iyo laba sharci oo la horgeeyay

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 19-aad.

Ajandaha Kulanka ayaa ahaa qeybinta Xeerka gaarka ah ee Habraaca Nidaamka dib-u-eegista iyo  wax-ka-beddelka dastuurka KMG.

Sidoo kale, waxaa Akhrinta Kowaad la marsiinayay Hindise Sharciyeedyada Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan beenebeene iyo Wasirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u akhriyay labadaas sharci oo ka mid ah sharciyada dalka muhiimka u ah.

Guddoomiye Cali Shacbaan, oo kulanka soo xiray ayaa guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda iyo qorshaynta Aqalka Sare, faray in ay la wareegaan labadaas sharci oo ay ka soo gutaan waajibaadkooda kuna soo celiyaan golaha si akhrintiisa labaad loo guda galo.

Exit mobile version