Site icon HORUFADHI MEDIA |

Golaha Amaanka ee QM oo kulan gaar ah ka yeelanayo xaalada Cakiran ee Ukraine

Madaxa Golahaasi oo u dhashay dalka Japan, Ambassador Kimihiro Ishikane ayaa maanta ku dhawaaqay in bishan January 13-da la qaban doono Shir looga hadli doono amaanka iyo Nabadda ee dalka Ukraine.

Xubnaha Golaha Amaanka ee QM (UNSC) ayaa waxaa ku adkaan doonta inay Go’aan mideysan ka gaaraan xal-u-helida Colaada Ukraine.

Dowladda Ruushka oo daraf ka ah Colaadaasi kama debci doonaan Mowqifkooda, waxayna ganafka ku dhufan doontaa codeyn kasta oo ka soo baxa kulankaasi.

Dowladda Ruushka waxay adeegsan doontaa awoodda diidmada Qayaxan (Veto Power), maadaama ay Ruushka ka mid tahay Shanta dal ee ka tirsan Golaha Amaanka ee QM ee leh Awoodda ay ku laali karaan Go’aan kasta oo ay u arkaan inuusan ku jirin Danaha dadkooda iyo qarankooda.

Exit mobile version