Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ganacsi Soomaali ah oo Weerar lagu dilay & Faah faahin kasoo baxeysa

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalka Koonfur Afrika ugu geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaas ay ku fureen dabley hubeysan oo weerar ku qaaday goob Ganacsi uu ku lahaa locationka Phatsima ee hoosyimada magaalada Rustenburg ee gobolka North We.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cawaale  Salaad Ali, isla markaana waxa uu kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh Koonfur Afrika, isagoona la weeraray xilli saq dhexe ah oo ku sugnaa dukaan uu gadayay.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka North West and Northern Mostapha Shirwac oo goordhaweyd ayaa sheegay in Cawaale uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray weerarkii ay ku qaadeen rag hubeysan oo burcad ahaa.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu yahay dal dilal loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida, waxaana dalkaas horey loogu dilay Soomaali badan.

Exit mobile version