Site icon HORUFADHI MEDIA |

Galmudug oo caddeeysay mowqifkeeda khilaafka cusub ee Doorashooyinka

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebo-gabo ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu caddeeyay inay ka xun yihiin doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.

“Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Maamulka Galmudug ayaa adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, iyada oo Maamulka Koonfur Galbeed joojiyay wadashaqeyntii Arrimaha doorashooyinka ee kala dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona ku eedeeyay faragelin u uku haayo Arrimaha doorashooyinka.

Exit mobile version