HORUFADHI MEDIA |

Galmudug oo Amar culus kasoo saartay Qaadka la geeyo degaanada howlgalka ka socdo

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa mamnuucday gebi ahaan in qaadka/Jaadka la geeyo deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan ee gobolada Mudug iyo Galgaduud, kadib War-saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.

Sababta ay Galmudug Go’aankaan u soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay inay tahay  sababo la xiriira caqabad uu Qaadka ku yahay howlgallada socdo, waxaana Wasaaradda Amniga Galmudug ay digniin u dirtay ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba oo ku howlan,

Wasaaradda ayaa si gaar ah u tilmaamtay inuu qaadka caqabad weyn ku noqday  howlgallada socdo deegaannada iyo degmooyinka Galmudug gaar ahaan Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

“Wasaaraddu waxa ay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto, Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Ugu dambeyn, waxa ay wasaaradda amniga fartay laammaha ammaanka Maamulka Galmudug in ay ka howlgalaan dhaqan-gelinta amarkaan, gacantana kusoo dhigaan cid walba ee u hoggaansami weyso.

Exit mobile version