Site icon HORUFADHI MEDIA |

Farmaajo oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, isagoona ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in doorashadii dhacday oo ahayd mid natiijadeeda lagu wada qancay, ay guul taariikhi ah u ahayd dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ah shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u leedahay sii wadidda nidaamka dimuqraadiga ah ee qori-isu-dhiibka talada dalka.

“Waxaan u hambalyaynayaa walaalkay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, aniga oo Alle uga baryaya in uu u fududeeyo gudasha mas’uuliyaddan culus ee loo doortay. Waxaa sharaf iyo maamuus inoo wada ah in doorashadii dalku ay inoogu qabsoontay si nabad ah oo lagu wada qanacsan yahay. Guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dad iyo dalba  sare u qaadday.”

Ugu dambayn, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay mar walba u garab istaagan dowladdooda ayaa ugu baaqay in ay si buuxda loo taageeraan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si hore loogu sii wado geeddi-socodka dolwad-dhiska Dalkeenna.

Exit mobile version