Site icon HORUFADHI MEDIA |

Fanaankii weynaa ee Axmed Naaji Sacad oo Caawa ku geeriyooday London

Waxaa caawa isbitaal ku yaalla magaalada London ee caasimadda ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo kamid ahaa tiirarka uu ku taagnaa fanka Soomaaliyeed.

Geerida fanaanka ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa oo sheegay in Marxuum Axmed Naaji uu kusoo booday xanuun deg deg ah, isla markaana la geeyay isbitaal oo ugu danbeeyay xanuunkii haayay ugu geeriyooday.

Allaha u naxariistee Axmed ayaa waxa uu isku ahaa Fanaan, Abwaan iyo Mulaxan, sidoo kale gacantiisa ayuu ku garaaca jiray Kabanka.

Wuxuu ka mid ahaa fanaantii hore ee hobollada qaranka ee Waaberi, wuxuuna dalka ka tegay waayihii burburka, isagoo degay dalka Ingiriiska.

 

Exit mobile version