Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Weeraro is xig-xigay oo ka dhacay Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro loo adeegsaday Bambooyin oo habeenkii xalay aheyd lagu weeraray Saldhigyo Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Weerarada oo is xig-xigay ayaa lagu qaaday saldhigyada degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ee Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa weerarada geystay kooxo hubeysan, kuwaasi oo weerarada kadib isaga baxday goobta, sida ay sheegeen dad.

Jugta Bambooyinka ayaa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Muqdisho, isla markaana waxaa xigay weerarada rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan  kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona durbo bilaabay howlgalo lagu raadinayo dadka weerarada fuliyey.

Illa aiyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarada lagu qaaday Saldhigyada Booliska Kaaraan iyo Hodan ee Gobolka Banaadir, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan falalkaasi dhacay.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyada weeraradaan oo kale, iyagoona marar kala duwan sidaan oo kale weeraro ay uga qaadeen Xarumo iyo Saldhigyo Boolis oo ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Exit mobile version