Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Qarax khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaanka Janaalle ee hoostega degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxaas uu ahaa miino lagu aasay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanka Janaalle.

Inta la xaqiijiyay ilaa Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxii Maanta dhacay, halka ay ku dhaawacmeen dad isugu jiray Askar iyo shacab oo goobta la Agdhawaa.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxa kadib sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan jirin dad ilaa iyo hadda loo qabtay qaraxaasi.

Exit mobile version