Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Qarax khasaaro dhaliyey oo lala beegsaday Askar ka tirsan Kenya

Faah faahino ayaa kasoo baxaya qarax miino ah oo saacadihii lasoo dhaafay duleedka Gobolka Lamu ee Gobolka Waqooyi ee Kenya lagula beegsaday Kolonyo kamid ah Ciidamada Kenya oo ku socdaalayey deegaankaas.

Gaadiidka Ciidamada ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka baxay deegaanka Milimani kuna sii jeeday deegaanka Mangay ee magaalada Laamuu, waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday Gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Ciidamada Kenya.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray Ciidamo Kenyaati oo saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Billaha, isla markaana waxaa qaraxa kadib rasaas farabadan furay Ciidanka Kenya.

Saraakiisha laamaha Amniga Kenya ee  Gobolka Waqooyi Bari weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa, balse Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 15 kamid ah Askarta Kenya.

Degaannada hoostaga Magaalooyinka lamu iyo Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kusii kordhay qaraxyada lala beegsanayo Ciidamada Kenya, iyada oo ay jiraan howlgallo ay fulinayaan Ciidamada Kenya.

Exit mobile version