Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Qarax ka dhacay Degmada Afgooye iyo khasaaro ka dhashay

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada ayaa ku geeriyooday qarax miino ah oo Maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu ka dhacay goob ku taalla Suuqa qudaarta degmada Afgooye oo ay inta badan fariisan jireen Ciidanka Minishiibiyada, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dad ku sugan degmadaas.

Intaas kadib Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay tegay, isla markaana muddo kooban hakad geliyay isku socodka Suuqa, kadibna furay waddo ay xireen, iyaga oo sidoo kale sameeyay howlgalo baaritaano ah.

Si kastaba Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana muddooyinkii dambe degmadaasi kusoo badayey falalka amni darro.

Exit mobile version