Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Mas’uul lagu dhex dilay Xarun Caafimaad uu Madax ka ahaa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ku dilay Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka Maamulka ee degmadaasi.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag dhallinyaro ah oo watay gaari ay toogasho ku dileen Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmada Buurhakaba oo lagu magacaabi jiray Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub), kaasi oo u dhintay rasaas lagu furay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in falka uu ka dhex dhacay gudaha isbitaalka Buurhakaba, oo la tilmaamay in dableyda ay xoog ku galeen isbitaalka, isla markaana ay dileen Dr. Xuub, iyagoona markii dambe halkaas isaga cararay.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed oo ka hadlay dilka loo geystay Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaas ayaa waxaa uu sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka fuliyay dilkaas khaarijinta ahaa.

Exit mobile version