Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Koox hubeysan oo dil ka geysatay Muqdisho & Amniga oo xumaaday

Faah faahino ayaa laga helayaa Kooxo hubeysan arroornimadii hore ee saaka  Magaalada Muqdisho ku dishay Nin Odaya ahaa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

 

Qaar kamid ah ehelada Marxuumka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Ninka Odayga ahaa xilliga la dilayay uu kusugnaa meel u dhow Guri uu deganaa oo kuyaalla inta u dhaxeysa Ex-koontroool Afgooye, isla maraakana uu kasoo baxay masaajid.

 

Falka dilka ayaa waxaa la tilmaamay inay Odeyga u geysteen kooxo hubeysan oo burcad ahaa, isla maraana dooneysay inay dhacaan Odeyga, balse ay naf-dhaafiyeen, iyagoona durbadii goobta ka baxsaday.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyada oo todobaadkaan magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan 5 Ruux oo shacab ahaa.

Exit mobile version