Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Koox Ciyaal weero ah oo Dil ka geysatay xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo Ciyaal Weero ah oo Wiil dhalinyaro ah dil ugu gaystay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana la helayaa faah faahiino dheerad ah oo ku aaddan dilkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawa Casar ee degmada Kaaraan, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Kooxo Ciyaal weero ah oo hubaysan.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdirahm Shiikh muxumed Shiikh Cali Maracade, Xalay Maqribkii ka dib ayaa lagu dilay Xaafaddda Xaawo Casar.

Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa Wiil dhalinyaro ah, oo dhigta Iskuul, waxaana la sheegya in ahaa Fasalka 2aad ee dugsiga sare, Hooyada Marxuumka oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay doonayso in caddaaladda la hor keeno kooxihi ka dambeeyay dilka Wiilkeeda.

Laamaha amaanka Gobolka Banaadir ayay farriin u dirtay, intaa ay ku dartay in Wiilkeeda ay dishay gacan ka xaqdaran, maaddama uusan wax lug ah ku laheyn Ciyaal Weerada dhibaatada ku haya Xaafadda, sidoo kalena koox koox isku laaya.

 

Exit mobile version