Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin kasoo baxeysa Tuugo koronto ku dishay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa rag la sheegay inay tuugo ahaayeen oo saqdii dhexe ee xalay koronto ku dishay xaafad ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Dad ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in dhacdadaan ragga tuugada ah ay korontada ku dishay ka dhacday xaafad ku taalla agagaarka Isgoyska Siinaay dhanka xigta degmada Boondheere.

Ragga ayaa la tilmaamay inay qodayeen baalooyin koronto hoostooda, isla markaana ay doonayeen inay ka furtaan fiilooyin, kalana baxaan macdan, balse ay korontada ku dhagtay, kadibna ay goobta ku dhinteen durbadii saddexdooda.

Dadka deegaanka ayaa saaka arkay Meydadka raggaas oo hoos yaalla baalaha korontada, waxaana markii dambe goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydadka ragga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidaan oo kale kal horey ay koronto ugu dishay rag burcad ahaa oo doonayey inay baalooyin koronto ka furtaan macdan.

 

Exit mobile version