Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin kasoo baxeysa Shil naxdin leh oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa shil khasaaro geystay oo Galabta ka dhacay laamiga degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaan dhista Sii-Sii ee kuna dhow aargada degmadaas.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii gaari Cabdi Bile ah oo way wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen gabdho u socday Aroos, waxaana gaariga uu ku jiiray meel ku dhow aargada degmada Deyniile.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shilka, waxaana goobta ku geeriyootay Gabar lagu magacaabi jiray Hani Cabdirisaaq Yuusuf, halka ay dhaawacyo soo gaareen Gabar lagu magacaabo Fardowso Weydoow iyo darawalkii Mootada.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in gaariga Cabdi Bilaha ee dul-maray mooto Bajaajta uu la socday Taliyaha ammaanka degmada deyniile ee Gobolka Banaadir, iyadoona gaariga iyo Ciidamo la socday ay goobta uu shilka ka dhacay isaga tageen.

Exit mobile version