Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin kasoo baxeysa Mas’uul iyo Askar ku dhintay Qarax lala beegsaday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, sida uu sheegay mid kamid ah mas’uuliyiinta ku sugan degaanka.

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Maareeye ku-xigeenkii garoonka diyaaradaha Jowhar Mahad Muxidiin Calasow iyo askari ka tirsan ciidanka amniga, sidaasi waxaa Idaacadda VOA u sheegay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Jowhar Mukhtara Abuukar Macalin.

Qaraxan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab. Qaraxan ayaa ahaa miino lagu aasay meel u dhexeysa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere Airport iyo magaalada, waxyna qabsatay gaari ay saarnaayeen Maareeye ku-xigeenkii garoonka iyo Askar la socotay.

Exit mobile version