Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin kasoo baxeysa Dil naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Faah faahino ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay wiil dhallinyaro oo Arday ahaa ku dilay xaafad ka tirsan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in Askari ka tirsan dowladda uu si bareer ah u dilay Wiil lagu magacaabi jiray AUN Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow oo ahaa 14-sano jir.

Sababta keentay dilka loo geystay wiilka ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay dhac uu Askariga u geysanayey Wiilka oo uu doonayey inuu ka qaato Telefoon uu watay, balse Wiilka uu ka diiday dalabka Askariga, sidaasina uu rasaas ugu furay qeybaha saree e jirka

Ciidamo katirsan booliska iyo kan maamulka Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan askariga dilka u gestay wiilka da’da yaraa.

Shacabka magaalada Jowhar ayaana aad uga naxady dilkan argagaxa leh ee telfoon dartiis loogu geestay Cabdiraxmaan Sheekh oo kamid ahaa ardayda waxkabarata dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.

Exit mobile version