Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Gabar Ardayad aheyd oo wax ka baraneysay mid kamida Jaamacaddaha ku yaalla Muqdisho.
Gabadha uu dilay Askariga dowladda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Asma Cabdullaahi Afrax, waxaana ay dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday Askariga falkaas geystay.
Maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa ka hadlay geerida Allaha u naxariistee Marxuumad Asma Cabdullaahi oo si arxan darro ah loogu dilay qeyb kamid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Maamulka Jaamacadda ayaa tacsi u diray Prof. Abdullahi Warsame Afrah oo dhigay Asma Cabdullaahi oo aheyd Ardayad dhigeysay Jaamacadda Banaadir ” Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, innagana sabar iyo iimaan naga siyo” ayaa lagu yiri Warka Jaamacadda.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey loogu dilay dad shacab ah oo ay ku jireen Arday aan waxba galabsan, waxaana dilalkaas geystay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo rasaas fura, xilliyada ay gaadiidka saaran yihiin.