Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Ganacsade caan ahaa Galmudug oo loo dilay sabab yaab leh

Rag maleeshiyaad ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ku dilay Ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur oo kaalin shidaal ku lahaa bartamaha Caabudwaaq.

Dilka loo geystay Ganacsade Maxamuud ayaa waxaa uu yahay mid salka ku haaya arrimo la xiriira aano qabiil, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka magaalada oo ka naxay dilkaas khaarijinta ah oo ay fuliyeen rag hubeysan oo maleshiyaad ah.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ka baxsaday kooxihii hubeysnaa, Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadaha loogu geystay degmadaas, waxaana dhowr jeer kusoo laab laabtay degmada Cabudwaaq dilalkala xiriira aanooyinka qabiil.

Exit mobile version