Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Dagaal xooggan oo dib uga qarxay Sh/Dhexe & Khasaaro ka dhashay

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in barqadii Maanta uu dib halkaas uga qarxay dagaalo xooggan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah oo wada dega.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa mar kale dib uga qarxay tuulooyinka Geelgub iyo Kooni-jiir, oo hoostaga degmada Cadale, waxaana dagaalkaas uu yahay mid salka ku haaya arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay, in ka badan 10 qof oo dhinacyada maleeshiyaadka ah ayaa ku dhintay dagaalka, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, dhaawacyada ayaana loo soo qaaday Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoona shalay ay dagaalka ku baxeen Odayaasha dhaqan iyo Waxgaradka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Exit mobile version