Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamulka Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo haatan ka socda tuulo hoostagta deegaanka Bacaadweyne oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ay weeerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay leeyihiin tuulada Qaycad ee koonfurta Gobolka Mudug, dhawaqa hubka culus ayaa la maqlayaa.
Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa BBC-da u sheegay in ciidamadu ku dhawyihiin inay galaan Bacaadweyne, oo ay gacanta ku hayaan, isla markaana waxa uu sheegay in saacadaha soo socda ay la wareegi doonaan.
Al-Shabaab ayaa qabsatay deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug, bishii August sanadkii 2021 kadib markii ciidamada dawladdu isaga baxeen.
Dhinaca kale iidamada xoogga dalka gaar ahaan qayta 21-aad ee milatariga Soomaaliya ayaa meel u dhow deegaanka Camaara ku qabtay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo caafimaadka agaasi, kaasi oo lagu magacaabo Salmaan Daadir.