Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Dad ku dhintay Gaari ku dhacay Tog ku yaalla Somaliland

Gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen saddex Nin ayaa ku dhacay tog biyo mareen ah oo ku yaalla Magaalada Arabsiya ee degmada Gabileey ee degaannada Somaliland, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah oo gaaray dadkii saarnaa gaariga.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in gaariga oo ku socday xawaare uu mar qura ku dhacay toga biyo mareenka ahaa, waxaana la tilmaamay in darawalkii waday gaariga uu xakameyn waayay, sidaasina uu ku dhacay shilka.

Inta la xaqiijiyay saddex Ruux ayaa ku dhimatay shilka,  oo mid kamid ah dadkaas meydkiisa la helay halka labada kale weli la boodi goobayo. Laba kamid ah dadkaas ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Fatxi Cabdi Faarax Sareeye iyo Jimcaale Cali.

Dadka deegaanka Magaalada Arabsiya ayaa sheegay in weli baadi goob loogu jiro laba kamid ah dadka ku dhintay toga, isla markaana Bulshada ay walaac ka muujinayaan togagga badan ee kuyaalla degaannada Somaliland.

Exit mobile version