Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Ciidanka Somaliland oo Duulaan hor leh kusoo qaaday Laascaanood

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa mar kale dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka SSC iyo ciidamada Maamulka Somaliland, dagaalka ayaa galay todobaadkii saddexaad.

Sida ay sheegayaan wararka, ciidamada Somaliland ayaa duulaan kale kasoo qaaday dhanka galbeedka magaalada, waxaana ciidanka Somaliland ee soo weerar tagay horkacayay sarkaal lagu magacaabo Mahad Cambaashe.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa xaafadaha Laascaanood ku garaacaya duqaymo aan loo meel dayin sida ay sheegeen goob-joogayaal kala duwan, madaafiicda ayaa qaarkood ku habsaday dhismayaal ku yaalla halkaas oo burburay.

Dagaalka iyo duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood oo gashay todobaadkii saddexaad ayaa sababtay dhamisho, dhaawac, barakac iyo burbur, oo aad u badan.

Exit mobile version