Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo ah ku qaaday degaan ka tirsan Galmudug

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah weerar ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ah ku qaaday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Weerarka qaraxyada kadib ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada ku sugnaa Saldhiga deegaanka Qaayib, waxaana inta uu socday dagaalka la maqlayey hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo ahaa mid qaraxyo ku bilowday, illaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaaraha, in kastoo dhinacyada ay guulo ka kala sheegteen dagaalkaas dhacay.

Wakaalada wararka SONNA ayaa qortay in Ciidanka dowladda Federaalka ay iska difaaceen weerarkii saaka ee Al-shabaab, isla markaana Shabaabka khasaaro lagu gaarsiiyey halkaas, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo dowladda bixisay.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa tilmaamtay iney la wareegtay xerooyinka ciidamadda ee weerarka lagu bartilmaameedsaday, iyadoo kooxda ay sheegtay iney saanad ciidan iyo hub iyo agab kale ay ka soo qaadatay saldhigyadii ciidamadda.

Waa weerarkii labaad ee qaraxyo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaaday deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo, waxaana sidan oo kale Shabaab u weerareen horraantii bishaan, Al-shabaab ayaa muddo dheer maamuleysay deegaanka.

Exit mobile version