Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin: Al-shabaab oo Dagaal culus kula wareegay degaan ka tirsan…

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dagaal culus kula wareegay deegaanka lagu magacaabo Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka aan deegaankaas ka heleyno.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaday Saldhig ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macwiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Goobo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka culus.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaal ay kula wareegeen Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, isla markaaana ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa macwiisleyda ah.

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay dagaalka, in kastoo aan tirada rasmiga ah ee dhiancayada dagaalamay kala gaaray aan la ogeyn, maadaama saqdii dhexe ee xalay uu dhacay dagaalkaas oo ahaa mid xooggan.

Exit mobile version