Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ergeyga gaarka ee Gurmadka Abaaraha iyo wafdi la socday oo gaaray Degmada Doolow

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  iyo xubno katirsan Qaramada Midoobay ayaa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Doolow iyo qeybo kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Doolow ayaa soo dhaweeyay wefdiga uu hoggaaminayo ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wefdiga la socday ayaa loo galbiyay xeryo dad kasoo barakacay abaarta ku sugan yihiin iyo deegaano kale si ay indhahooda ugu soo arkaan dhibaatada ka dhalatay abaarta ku dhufatay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Degmada Doolow waxaa ku sugan dad badan oo kasoo barakacay abaarta ku dhufaty deegaano badan oo katirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, dadkan xeryaha ku jira ayaana halkaasi wali ku heesata dhibaatooyin xooggan.

Exit mobile version