Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya oo yimid Muqdisho

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Ergeyga kusoo dhaweeyay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

War kasoo baxay Taliska howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ergeyga cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xilka la wareegi doono, si uu u bilaabo howshiisa shaqo ee laga doonayo inuu qabto.

Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros ayaa waxaa xilkan bishii September u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April, isaga oo ku eedeeyay ‘inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.’

Exit mobile version