Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Soomaaliya oo sare u qaaday qiimaha Xajka ee sandkan 2022

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaaday qiimaha Xajka ee sanadkaan, qofka Soomaaliya ka soo xajinayo sanadkan ayaa laga qaadayaa 5230 oo dollar.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaha qofka laga rabo lacag dhan ah 5230 oo dollar, halka markii hore qiimaha ahaa $3800, waxaa sanadkan lagu kordhiyay $1430, sida ku Cad Qoraalka Wasaaradda.

Sidoo kale Wasaaradda Awqaafta ayaa fartay in Shirkaddaha sanadkaan u adeegaya Xujeyda Soomaaliyeed inay sare u qaadan adeegyada muhiimka ah ay Xujeyda u baahan yihiin, inta ay ku sugan yihiin dalka Sacuudi Carabiga.

Si kastaba Dadka ka soo xajinaya qaaradda Yurub iyo Ameerika ayaa ka raqiisan kuwa Soomaaliya ka xajinaya, Shirkadaha sanadkan ku guuleystay tartanka adeegga Xajka ayaa faa’ido ka badan qiimihii labo sano ka hor saartay oo ah saddex meel hal meelood.

Hoos ka Akhriso Wasaaradda Awqaafta

 

Exit mobile version