Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba Dal

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta ku qaabilay Caasimadda Muqdisho , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Luigi Di Maio,.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo iyo siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi wadaagga, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo muhiimad u leh labada dhinac.

Talyaaniga waa saaxiib istiraatiiji oo Soomaaliya ay leedahay, kalana dhexeeyo arrimo dhowr ah oo ahmiyad leh, waxaana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga dhinac kasta oo nacfi wadaag u ah labada dal.

Exit mobile version