Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wasiirka iyo  Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda
Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale, kulanka ayaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa waxaa uu uga mahadceliyay Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version