Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo yeelanaya Iskaashi dheef-wadaag ah

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramov.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka labada Wasiir looga wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-guray sidii ay labada Dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.

Sidoo kale Wasiirada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee labada Shacab iyo labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Exit mobile version