HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Somalia oo taageertay Shiinaha, xilli xiisad kala dhexeeyso Mareykanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale Maanta waxaa ay ku celisay taageerada joogtada ah ee ay u hayso madax-bannaanida dowladda Shiinaha, madaxbannaanida siyaasadeed, madaxbannaanida dhuleed iyo midnimo qaran ee dalkaas uu leeyahay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa waxaa lagu caddeeyay in DFS ay si buuxda ula garab taagan tahay Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha si ay u difaacdo madax banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale cadeysay mowqifkeeda adag ee ku aadan in la ixtiraamo siyaasadda hal-abuurka ah ee Shiinaha, iyadoo u aragta in Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dhulalka Shiinaha, kuna baaqday.

“Soomaaliya ayaa xiriir soo jireen ah la leh Shiinaha, iyadoo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah ay ku kala soocan yihiin dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta ee faa’iidada guud, iyadoo ay sii dheer tahay isku xirka jagooyinka heer gobol iyo heer caalami” ayaa  lagu yiri  War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda.

Gaba-gabadii Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku baaqday in loo hoggaansamo qaraarrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee khuseeya.

Xiisadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay markii Shiinaha ka caroodeen booqashadii Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan. Sidoo kale Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka wada marin biyoodka Taiwan.

 

Exit mobile version