Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Somalia oo taageero hor leh ka dalbatay mid kamida dalalka Yurub

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac  oo magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa kala hadlay Taakuleeynta Ciidanka XDS, gaar ahaan dhinaca howgalada socda.

Wasiir  Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato doorkooda ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga dalka, ee ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Jaamac oo la kulmay  Danjire Gn Rtd Thomas Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen Qorshaha la dagaallanka Al-shabaab iyo sidii Dowladda Kenya ay ugala shaqeen laheed Ciidamada Xoogga dalka.

Dowladda kamid ah dowladdaha ay  Ciidanka ka joogaan gudaha dalka, waxaana Kenya ay Ciidankeeda ku sugan dalka ay ku howlgalaan magaca howlgalka midowga Afrika ee ATMIS, iyagoona mararka qaarkood dhibaatooyin u geysta shacabka Gobolka Gedo.

Exit mobile version