Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Somalia oo Sweden Warbixin ka siisay horumarka iyo xaaladda Doorashada

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doono dalalka Scandinavian-ka, gaar ahaan dalka Sweden, Danjire Mohmed Hassan Abdi ayaa si diiran loogu soo dhaweyay Aqalka looga arimiyo dalkaasi ee Boqortooyada Sweden.

Safiirka oo ay la socdeen, Xoghayaha arrimaha siyaasadda ee safaaradda iyo xubno kale, ayaa waxaa loo sameeyay hab maamuus qaran oo ka turjumaya nidaamka dibolomaasi ee ay wadaagaan caalamka.

Safiirka Dowladda Soomaaliya Danjire Mohmed Hassan Abdi iyo boqorka dalkaasi Karlos Kostaf, waxa ay soo dhoweynta ka dib ka wadahadleen xoojnta xiriirka labada dal iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay wadashaqeyn guud oo dhexmarta labada dowladood.

Safirka Soomaaliya,waxa uu ka warbixiyay Xaaladda Soomaaliya ee xilligaan iyo sida gacan looga geysan karo horumarka baahsan ee ka socda dalka.

 

Exit mobile version