HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Somalia oo soo saartay Digniin ku socota Shirkadaha Diyaaradaha

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay digniin ku socota Shirkadda diyaaradaha ee ka shaqeeya dalka, kadib markii Maamulka hay’adda Duulista la gaarsiiyay cabasho ka taagneyd Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxaya Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay cabasho soo gaarsiiyeen dad safar ahaa oo ku daahay gudaha Garoonka, isla markaana dhibaato badan la kulmay.

Sidoo kale hay’adda Duulista ayaa ku wargelisay shirkaddaha diyaaradaha in aan dad rakaab ah lasoo xareyn karin waqti ka badan 3 saac kahor, waana shirkaddaha looga digay inay jebiyaan qodobo lasoo saaray.

Hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay shirkadaha kala shaqeyn doonto fududeynta tasiilaadka ay u baahan yihiin, si ay shaqada ugu socoto hannaankii loogu talagalay

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah mid mashquul badan ayaa waxaa maalin walba isaga kala goosha diyaarado u baxa gobollada dalka iyo kuwo caalami ah oo isaga kala goosho waddamada kale ee ku yaal caalamka.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

 

Exit mobile version