Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Somalia oo si Deg-deg ah uga hadashay Qaraxii ka dhacay Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulaynimada ah ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada leh.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre Xamse waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono.

Qarax ka dhacay bartamaha Istanbul maalinta oo Axad ah ayaa waxaa ku dhaawacmay 38 kalena, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Istanbul Ali Yerlikaya.

Exit mobile version