Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Somalia oo Shiinaha kala hadashay sare u qaadida Iskaashi laba geesood ah

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo dardargelinta dhinac weliba si loo gaaro danaha guud iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Gaba-gabadii kulanka dhexmaray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa waxaa lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee taabanayay danaha guud ee labada dal.

Exit mobile version