Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Somalia oo Amar culus kusoo rogtay Shirkaddaha Isgaarsiinta Dalka

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa guddoomiyay Shir muhiim u ah shaqada wasaaradda oo looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa lagu amray in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqabad ku ah hanaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay ,Wasiir-kuxigeenka wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee wasaaradda.

Shirkadaha ayaa waxaa la faray in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi  laga dhigay in Shirkadii lagu helo in qalabkeeda laga sameeyo  Faragelinta waxyeellada leh ee qalabka Raadiyaha adeegyada Isgaarsiinta’

Shirkadaha waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo  ama ay u badan tahay inay sababaan Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda.

“Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Warka ay soo saartay Wasaaradda Isgaarsiinta XFS.

Exit mobile version