Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo weli wada soo daad-gureynta Soomaalida ku xayiran Suudan

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay soo gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo farabadan, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada xooggan ee weli kasii socda gudaha dalka Suudaan ee u dhexeeya ciidanka Milateriga iyo kuwa RSF.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kasoo degtay diyaarad sidday 92 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo celisay dalka Sudan, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda.

“Waxaan Muqdisho ku soo dhowaynay diyaarad sidday 93 Muwaadiniin Soomaaliyeed  oo ka  soo  qaxay colaadaha dalka Sudan, kuwaasoo laga soo qaaday Caasimadda Koonfurta Suudan ee Jubba” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Haruuse.

Duulimaadkan ayaa ah kii sadexaad ee shalay dowladda ku soo celisay dalka, iyadoo labo diyaaraddood oo siday 137 muwaadin ay ka kala degeen magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, taasoo tirada guud ee dalka lagu soo celiyay ka dhigaysa 230 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas halkaas ku noolaa.

Exit mobile version